C/Weli Gaas oo shaaca ka qaaday shirqool siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isbedaalka ku yimid xukuumadda.

Gaas ayaa sheegay oo u warramay VOA ayaa sheegay in go’aankii Sabtidii ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ahaa qorshe la soo abaabulay oo shirqool siyaasadeed u eg, sida uu hadalka u dhigay.

C/weli Maxamed Cali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankan uusan wax u dhimi doonin Khayre, balse ay baarlamaanka u tahay taariikh xumo.

“Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowladnimada ku haboon aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan.”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in guddoonka baarlamaanka uu rabo muddo kororsi iyo dib loo dhigo doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.