SACIID DENI oo banaanka soo dhigay wixii ay ku wada hadleen isaga iyo Farmaajo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xilli wali aad loo hadal hayo xil ka qaadistii ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni waxa uu ka hadlay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo madaxweyne Farmaajo intii ay ku sugnaayeen magaalada Dhusamareeb.

Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay Dhusmaareeb dhowr jeer kulamo gaar ah ku yeesheen.

“Shirarkii aan aniga la galay Farmaajo, madaxweynaha wuxuu diiradda aad u saarayay in aan kala shaqeeyo ajenda uu markaa u dhigayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, mudada lagu gaari karana aysan cayimneyn, u muuqaneysana in dowladda ay rabtay in wakhtiga loo kordhiyo”, ayuu yiri Saciid Deni.

Deni ayaa hadalkan jeediyay isagoo jawaab ka bixinayay xil ka qaadistii lagu murmay ee ra’iisal wasaare Kheyre oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Dhankiisa ayuu sheegay inu u isku dayay in madaxweynaha uu ku qanciyo in xilligan ay u adag tahay in laga shaqeey muddo kororsi taasoo ka hor-imaneyso waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhusamareeb.

“Markii aan arrintaas kala hadlay, waxaa uu muuqaneysay in madaxweynaha uu ku qancay ra’yiga ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Doorashada xilligan Soomaaliya ka hirgeli karta ayuu sheegay inay tahay doorasho dadban oo aan gaarsiisaneyn qof iyo cod, kana duwan tii 2016-ka ka dhacday dalka.

Guddiga ay madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ku heshiiyeen shirka Dhusamareeb ayuu sidoo kale sheegay in shaqadoodu ay tahay inay kasoo tala bixiyaan nooca dorasho ee uu dalka qaadanayo kahor kullanka dambe ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Inkastoo BBC-da aysan si rasmi ah u xaqiijin karin hadalka kasoo yeeray madaxweyne Deni ayaa haddana si arrintaas aan wax oga ogaano ayaa waxaanu la xiriirnay dowladda federalka, balse nooma aysan suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno.

Qaar kamid ah axsaabta siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka digay muddo kororsi aysan xukuumadda sheegin inay damacsan tahay balse iyagu ay ku tuhmayaan.

“Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido”, ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadal haynta ah in dowladda ay “dooneyso muddo kordhin” waxay soo taagnayd muddo, waxaana aad uga digyaya arrintaasi siyaasiyiinta mucaaradka.

Balse, Ra’iisul Wasaaraha “xilka laga qaaday”, Xasan Cali Khayre, ayaa horraantii bishan sheegay in doorashada lagu qaban doono wakhtigeeda, aysanna jiri doonin muddo kordhin.

Wuxuu yiri: “Doorashadu waa inay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi ah, si aan u xaqiijino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, meel waliba oo ay joogaan”.

“Wa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay, lagana fogaadaa in lagu shaqeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah mudda kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu hadalka ku sii daray.

Xigasho: BBC Somali