Maxay ka wada-hadleen FARMAAJO iyo Qoor Qoor?

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galnudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulanka oo ahaa mid u gaar ah labada mas’uul ayaa wuxuu qaatay saacado badan, balse lama shaacin waxyaabihii lagu heshiiyey.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saaray is-bedalka xukuumadda, doorashooyinka iyo dhameystirka shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in lagu soo qaaday kulankan arrimo ku saabsan soo xulida ra’iisul wasaaraha cusub ee bedalaya, Xasan Cali Khayre.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin labada dhinac, balse waxaa lagu soo warramayaa in kulamadu ay sii socon doonaan maanta & beri.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista xukuumad cusub, kadib markii Sabtidii la riday xukuumaddii hore ee Soomaaliya.