Xasan Sheekh Maxamuud oo la shiray xildhibaano ka tirsan BF Somalia + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa jira Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Kulankan oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen xubnaha xisbigaasi ayaa waxaa shir guddoomiyey nadaxweyne Xasab Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa waxaa lagu sheegay in shirka looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale xisbiga ayaa diray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xasilan oo suurogelin kara wadatashi.

Halkan hoose ka aqriso:

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’uuliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaasadeed ama amni.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.

Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xasillan oo suurogelin kara wadatashi si loo gaaro isfaham siyaasadeed oo lagu maareynayo marxaladaan kala guurka ah.