Yaa ka dambeeyey xiritaankii adeegga Internetka Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal soo saaray ayaa ka hadlay go’itaankii khadka Internetka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku lug laheyd xiritaanka adeegga Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka inay cadeyn ka bixiyaan cilada ku timid khadka Internet-ka oo maqnaa in ka badan 24 saac.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale intaasi ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay xaq u leedahay inay xog ka hesho arrintaasi.

“Waxay ilo Xog-ogaal ah nala wadaageen in dowladdu ku lug lahayd xiritaankii adeegga Internet-ka. Waa in shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ay caddeyn ka bixiyaan cidda iska leh masuuliyadda hawo ka saarista adeegga Internet-ka. Bulshadu waxay xaq u leedahay in ay xog sax ah hesho.” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri CC Warsame.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo oo ay dowladda Soomaaliya faah faahin ka bixisay go’itaankii khadka Internet-ka, islamarkaana shaacisay in uusan go’in xarigga Internet-ka, balse uu soo gaaray dhaawac, kaas oo haatan loo xalliyay si kumeel gaar ah.

Si kastaba ha’ahaatee adeegga go’ay ee Internet-ka ayaa ku soo aaday, maalin kadib markii la riday Khayre, taas oo shaki badan ku dhalisay dadka Soomaaliyeed.