Shacab dhigayey dibadbax oo maanta la rasaaseeyey iyo khasaare ka dhashay

Garoowe (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa afar qof ayaa ku dhaawacantay, kadib markii maanta ciidamada ammaanka Puntland ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo dibad-bax ka dhigayey gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay bartamaha magaalada ayaa ka cabanayey lacago Canshuuro ah oo ay sheegeen inay ku soo dalacday wasaaradda ganacsiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyo ciidamada ay isku dhaceen, taas oo keentay in loo adeegsado rasaas nool-nool, oo dad ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee Garoowe, iyadoona markii dambe la kala dareeriyey dibad-baxayaasha.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse weli ciidamada ammaanka ayaa ku sugan waddooyinka qaar magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.