Dhooba Daareed oo weerar culus ku qaaday Deni, kadib mowqifkiisi Kheyre

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiim Maxamed (Dhooba Daareed) ayaa si adag uga fal-celiyay mowqifkii madaxweyne Deni ee xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Kheyre.

Dhooba Daareed ayaa ugu horeyntii si adag u naqdiyay hadalka Deni, isagoona ku tilmaamay shaqsi gacan ku dhiigle ah oo ku tuntay dastuurkii lagu soo doortay, isla markaana uusan ka hadli karin xil ka qaadista Kheyre.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ayaa Deni ku eedeyay inuu weerar ku qaaday xarunta baarlamaanka Puntland, xiligii uu Guddoomiyaha ka ahaa, kuna laayay ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Dhooba Daareed ayaa ku doodaya inuusan Deni xaq u laheyn eedeynta muddanayaasha golaha shacabka, oo uu sheegay inay sameeyen ku tumasho dastuur, maadama qaab sharciga baal-marsan xilka uga tuureen Kheyre.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Deni uu lacag badan ku bixiyay xiligii uu xilka ka tuurayay, wuxuuna yiri: “Deni ma ka hadli karo Dastuur la jebiyay, waayo waxa uu xil ka qaadis Guddoomiye Baarlamaan u adeegsaday hanti badan”.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Isaga (Deni) ayaa ku tuntay sharciga, uuna jediyay Dastuurka Puntland, haatana kama hadli karo Dastuur la jebiyay iyo xil ka qaadis Ra’iisul Wasaare”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili uu madaxweyne Deni sharci darro ku tilmaamay qaabkii ay xildhibaanada golaha shacabku xilka uga tuureen Ra’iisal wasaare Kheyre, oo isagu markii dambe sheegay inuu isku casilay si looga baaqsado fowdo siyaasadeed iyo qalaalase ka dhaca dalka.