Sirdoonka ciidanka Israel oo la dagaalaya maskax guur

Tel Aviv (Caasimada Online) – Unug ka tirsan sirdoonka ciidanka Israa’iil oo lagu magacaabo 8200 ayaa la dagaalamaya maskax guur kadib markii shaqaalahooda badankood ay u wareegeen shirkado gaar loo leeyahay, sidaas waxaa wariyey warbaahinta Safa News.

Dadaallo uu unuga 8200 u sameeyay in uu bedelo jahada ay wax u socdaan, ayaa ku billowday in ciidanka keydka ah la weydiiyo in ay saxiixaan warqado ku saabsan daneysiga.

Socdaalka ay shaqaalahaan xirfadoodu sarreyso ku aadayaan shirkadaha technology-yadda ee rayidka ayaa keeni karta in la dusiyo akhbaar iyo technology-yad xasaasi ah.

Unuggaasi waxaa uu sidoo kale doonayaa in uu joojiyo iskuday ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ku doonayaan in ay ku yeeshaan amniga ugu wanaagsan ee Internetka, markaasna uu hoos u dhaco sumcadda amniga internetka ee unugga sirdoonka ah.

Sida uu wariyay wargeys laga leeyahay Israa’iil oo lagu magacaabo Hayom, shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa begsanaya kuwa ugunuga 8200 dhexdiisa looga yaqaano saraakiisha iyo ciidanka “dheemanka ah” kuwaas oo loo tix geliyo in ay leeyihiin xirfad iyo aqoon gaar ah.

Unuggu waxaa uu sheegay in tallaabooyinkoodu aysan begsaneynin shirkadaha waaweyn ee Technologyadda, laakiin ay ka xanaaqsanyihiin waxa shirkadaha qaar ay ka sameynayaan suuqyada Israa’iil si ay saraakiishooda ugu dhiiri geliyaan in ay shaqadda kasoo tagaan.