Mursal iyo Muudey oo kulan la leh Xasan iyo Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran ee Muqdisho waxaa ka socda kulan ay albaabadu u xiranyihiin oo u dhaxeeya madaxweynayaashii  hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ugu tegay xaruntooda Madasha, waxaana halkaas weli ka socda kulan u dhaxeeya labada dhinac.

Faahfaahin rasmi ah laga hayo waxyaabaha looga hadlayo kulankaas, balse xildhibaano ka tirsan Madasha ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dalabka kulankaas uu ka yimid guddoonka golaha shacabka, sidaasna ay ku gaareen xarunta Madasha.

Sidoo kale wararka illaa hadda aan ka helnay kulankaas weli socda waxay sheegayaan in guddoomiyeyaashu ay Madaxweyne Farmaajo fariin uga sidaan hoggaanka Madasha oo ah madaxweynayaashii isaga ka horeeyey ee dalka.

Inka badan laba jeer ayey guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudey xaruntooda ugu tageen madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ah hoggaanka Madasha, waxayna mar kasta kala hadlayeen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu guddoomiyaha golaha shacabku ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen Ra’iisul wasaarihii dalka iyo xukuumadiisa. Taas oo jaho murugsan u weecisay siyaasadii ciir-ciireysay ee Soomaaliya.

Caasimada Online kala soco wixii ka soo baxa kulankaas.