Turkiga oo saaray digniin culus oo ku socota Masar

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga iyo Ruushka ayaa Arbacadii waxay ku heshiiyeen in ay xabad joojin ka sameeyaan dalka dagaaladu la degeen ee Liibiya, laakiin Ankara ayaa sheegtay in hoggaamiyaha ciidanka degan bariga dalka uu yahay sharci darro, isla markaana loo baahanyahay in laga saaro goobaha muhiimka ah si ay u dhaqan gasho xabad joojin la isku haleyn karo.

Moscow iyo Ankara waxay ka midyihiin awoodaha ugu waaweyn ee kala taageeraya dhinacyadda iska soo horjeeda ee Liibiya. Ruushku waxaa uu taageeraa ciidanka degan bariga dalka ee uu hoggaamiyo General Khaliifa Hafter, halka Turkiguna uu Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya ka caawiyay in ay iska caabiso gulufkii Jeneraal Hafter uu ku doonayey in uu caasimadda ku qabsado.

“Waxaan hadda Ruushka kula heshiinay in aan ka shaqayno xabad joojin joogto ah oo la isku aamini karo gudaha Liibiya,” ayuu Reuters u sheegay Ibrahim Kalin oo ah la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Edogan.

Kalin waxaa uu sheegay in heshiis kasta lagu saleyn doono dib soo celinta furimihii Liibiya ee 2015-kii, taasi oo ciidanka Jeneraal Hafter uga baahan in ay dib uga baxaan marinka muhiimka ah ee Sirte.

“Si xabad joojintu ay joogto u noqoto waa in ciidanka Jeneraal Hafter laga daad gureeyaa Jufra iyo Sirte,” ayuu yiri la-taliye Kalin.

Dagaal loogu talagalay Sirte

Ciidanka Turkigu taagero ee la safan Dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya, waxay isku diyaarinayaan dhinacyadda Sirte, waxayna balan qaadeen in ay dib u qabsanayaan magaaladda ku taalla Mediterranean iyo garoonka diyaaradaha ee Jufra.

Maraykanka ayaa sheegay in Moscow ay diyaarado dagaal u dirtay Jufra, si ay ugu taageerto calooshood u shaqaysteyaasha Ruushka ee caawinaya Jeneraal Hafter. Ruushka iyo ciidanka Hafter labaduba waa ay beeniyeen warka Maraykanka.

Masar oo sidoo kale taageerta ciidanka Jeneraal Hafter ayaa ku goodisay in ay ciidan u direeyso dalka deriska la ah ee Liibiya hadii ciidanka Turkiga iyo kuwa Dowladda Liibiya ay isku dayaan in ay qabsadaan Sirte. Baarlamaanka Masar ayaa awood u siiyay Dowladda in ay sameyn karto farogelin military.

Ibrahim Kalin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Edogan ayaa sheegay in hadii Masar ay ciidan geyso Liibiya ay dhaawici doonto dadaaladda la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka, isla markaana ay taasi khatar ku tahay Qaahira. “Waxaan rumeysanahay in ay khatar military ku tahay Masar.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shukry ayaa sheegay in xalka siyaasadeed ee Liibiya uu u baahanyahay in jawaab laga bixiyo argagixisadda iyo farogelinta shisheeyaha, taasi oo aan keliya khatar ku ahayn danaha Masar, balse khatar weyn ku ah dalalka Mediterranean-ka.

Waxaa uu xusay in hindise nabadeed oo Qaahira looga dhawaaqay bishii lasoo dhaafay looga gollahaa in lagu xasiliyo Liibiya, isla markaana meesha laga saaro ciidanka hubeysan iyo maleeshiyaadka jooga dalkaan saliidda qaniga ku ah.