Dowladda Uganda oo hal arrin halis ugu jirto.!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Sunday Monitor ayaa baahiyay in Dowlada Ugandha ay halis ugu jirto in laga laalo xubinimada Ururka IGAD.

Waxa uu wargeysku sheegay in Dowlada Ugandha ay bixin la’ dahay qaaranka laga qaado Dowladaha xubinta ka ah IGAD, iyadoona deenta lagu leeyahay ay faraha kasii baxeyso.

Henry Okello Oryem oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Ugandha, ayaa sheegay in IGAD ay kharash farabadan ku leedahay Dowlada Ugandha, waxa uuna Kharashkaasi ku sheegay $8 million oo dollar.

Henry Okello waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladiisu ay ku guul dareysatay in ay iska bixiso lacagta IGAD, waxa uuna sabab uga dhigay duruufaha dhaqaale ee xiligaani soo foodsaartay Dowladiisa.

Henry Okello ayaa arrintaani ku sheegay mid nasiib darro ah, waxa uuna farta ku goday in Ugandha ay qarka u saaran tahay inay weyso xubinimadeeda IGAD.

Dhinaca kale, Deenta lagu yeeshay Ugandha ayaa waxa ay imaaneysaa xili waddamada kale ee IGAD ka tirsan lagu leeyahay deymo ka yar tan Uganda waxaana lagu kala leeyahay lacagahan: Sudan $2 million, South Sudan $1.5 million, Kenya $1 million iyo Itoobiya oo lagu leeyahay $1.7.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com