Xog ka cusub maamulka SH/DHEXE iyo HIIRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo aan wali la isku fahmin qaabka loo qeybsanayo gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa shalay kulan gaar ah uu ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u yeeshay Xildhibaano baarlamaan iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo iyaga la siiyay 16 xubnood oo kamid noqonaya gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana arimaha ugu badan ee looga hadlay lagu sheegay iney tahay sidii loo dhameyn lahaa is faham waaga ka taagan qeybsiga gudiga farsamada ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Lama oga ilaa iyo hadda waxyaabaha dhabta ah ee la isla gartay, laakiin waxaan xogta ku heleynaa in loo balamay kulamo kale oo arimaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe looga hadlayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa xiligan uu culees ka heystaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya iyo dhismaha maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo u muuqdo mid ka dib dhacaya waqtigii lagu balamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com