Maleeshiyada Axmed Madoobe oo KISMAAYO ka wada dilal qorsheysan (Arrin shaki aabuurtay)!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyada Axmed Madoobe Maamulka Jubba kuna sugan magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyay inay dilal khaarijin ka fuliyeen magaalada iyagoo dilay dhowr qof oo ay ku jiraan saraakiisha ciidamada ku jira Xerada Madhamaato ee shalay qaraxu ka dhacay.

Kadib toogashadii mid ka mida raggii lagu eedeeyay inuu qaraxa ka dambeeyay oo maleeshiyada Axmed Madoobe khaarijiyeen iyadoo wax baaritaan ah lagu sameyn, lana geyn maxkamad ayaa wararka cusub ee soo baxaya ay sheegayaan in xalay sidoo kale la dilay saraakiisha lagala baxay xerada iyo dad kale oo guryahooda laga qabtay.

Sida uu sheegayo Xuseen Xasan Faarax oo ciidamada dowladda ee Kismaayo ku sugan waxay maleeshiyada Axmed Madoobe xalay dil ku fuliyeen Macalin dugsi Qu’raan iyagoo la baxay sarkaal aan al ogeyn halka ay la aadeen.

Xuseen Xasan Faarax ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka gaaraan ciidamada iyo saraakiisha ku jira xerada Ma-dhamaato inta aan la xasuuqin.

Waxaa soo noqnoqday eedeynta ku saabsan falalka lagu khaarijinayo dadka ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo aanay jirin faahfaahin dheeraad iyo xaqiijin midna.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com