Daawo Sawirrada: Soomaali soo jeedisay in 4.5 lagu qeybsado mamaulka masjid ku yaal Sweden

Buuq iyo muran xooggan ayaa ka taagan masjidka Soomaalida ee maagalada Nässjö ee dalka Swedan, kadib markii la isku qabsaday hoggaanka maamulka masjidkaasi.

Murankan oo mudo soo socday ayaa ugu danbeyntii gaaray in koox ka mid ah Soomaalida nässjö ay soo jeediyeen in maamulka masjidka lagu qeybsado nidaamka 4.5 ee maamulada Soomaalida wax ku qeybsado.

Koox falaago ah oo kasoo horjeeda horumarka masjid isla markaana diidan hoggaanka masjidkaasi Sheekha Yuusuf ayaa arrintan soo jeediyay, waxayna ku baaqeen in doorasho hoggaan ku saleysan 4.5 la qabto, lagana soo qeyb geliyo dadka aan masjidka ku xirneyn iyo kuwa nolosha ka dhacay ee balwadaha isticmaala si ay codka 4.5 ugu helaan.

Waxgaradka iyo adka qaarkiis ee magaalada Nässjö ayaa kasoo horjeeda arintan, taasna hadii ay sii socoto laga cabsi qabo in uu meesha ka baxo jiritaanka masjidka sida ay dadka qaarkiis ku socdaan.

mas 1mas 2mas 3