Xog: Cumar C/rashiid oo xilal ku tixaya beeshiisa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maalmahan ku jira magacaabid xilal kala duwan ayaa xilkii ka qaaday xoghayaha xafiiskiisa isagoo magacaabay mas’uul cusub oo xilkaasi shalay la wareegay.

Waxaa xilka laga qaaday xoghayihii hore ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maxamed Cali Nuur oo xilka hayay tan iyo intii la magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana xilkaasi loo magacaabay nin dhalinyaro ah oo qurbe joog ah oo lagu magacaabo C/salaan Salwe.

AgaasimeXoghayha cusub ayaa la sheegay inay isku beel kasoo wada jeedaan Ra’iisal wasaaraha isagoo ka door biday xoghayihii hore maadaama xilli kala guurka la galayo, wuxuuna arritan kala mid noqday madaxweyne Xasan Sheekh oo tallaabadan oo kale dhowr jeer hore u qaaday.

Waxaa madaxda sare caadiyan xilliyada kala guurka ah ay isku wareejiyaan xubno ay isku beel yihiin, waxaana la magacaabaa xilal fara badan oo la siiyo dad xigto iyo saaxiibo ah si ay ula jaanqaadaan isbedelka soo socda iyo dowladaha jidka ku soo jira iyadoo aysan madaxda sare hubin inay soo laabanayaan.

isha goobjooge