Baarlamanka Jubba oo u digay Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Maamulka Jubbaland ayaa Madaxweynaha is doortay ee Maamulkaasi Axmed Madoobe u diray digniin la xiriirta magacaabida ku xigeenkiisa.

Shire Cabdi oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Maamulka Jubba ayaa sheegay in wakhtiga ay u qabteen Madaxweyne Axmed Madoobe uu is guraayo islamarkaana Baarlamaanka uu arrintaasi ka bixinaayo digniin.

Waxa uu mudanaha sheegay in Axmed Madoobe ay siiyeen muddo bil ah inuu kusoo magacaabo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba, waxa uuna tilmaamay in hadii uu wakhtiga lasiiyay uu dayaco uu Axmed Madoobe la kulmi doono caqabad kaga timaada dhanka Baarlamaanka.

Shire Cabdi waxa uu cadeeyay in Mudanayaasha Baarlamaanka uu horyaalo howlo badan islamarkaana aysan diyaar u aheyn inay ku mashquulan inta badan wakhtigooda arrinta la xiriirta magacaabida Madaxweyne ku-xigeenka, waxa uuna uga digay inuu dayaco mudada yar ee u harsan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ku tartamaayo Fartaag iyo luga dheere oo iyagu doorashada ka hor ahaa Madaxweyne ku-xigeenka koowaad iyo Labaad, hayeeshe waxa ay iminka ku loolamayaan ku-xigeenka.

Geesta kale, waxaa loo badinayaa in Axmed Madoobe uu ku-xigeenkiisa ka dhigan doono Fartaag oo isagu ay iminka is fahansan yihiin, waxaana xilkaasi xaq u leh Beesha uu kasoo jeedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com