Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa shalay ku dhawaaqay in muddo bil ah ay sii shaqeeyaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya maadaama howlo badan horyaalaan.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ka caroodau arintaasi, maadaama xildhibaanada fasax ay gali lahaayeen laga joojiyay oo muddo hal bil ah oo hadda dhiman ay shaqeyn doonaan.
Xildhibaanada ayaa waxaa horyaala howlo ay kamid yihiin yihiin mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online in arintaasi uu ka carooday madaxweynaha Soomaaliya.
Sababta ayaa lagu sheegay iney tahay inuu damacsanaa in xildhibaanada baarlamaanka ay fasax galaan, si ay kaga mashquulaan mooshinka maadaama aysan ku shiri karin golaha shacabka, laakiin sidaasi ma aysan dhicin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha uu waddo qorshe lagu joojinayo mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]