Xog: Mudulood oo Xasan ugu baaqay iscasilaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay xalay isugu yimaadeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo oday dhaqameedka beel weynta Muddulood ayaa waxa uu ka dhacay guriga madaxweynaha uu ka degen yahay ee Villa Somaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray marxalladda siyaasadeed ee soo food saartay madaxweynaha iyadoo ay dhawaan ka gudbiyeen Xildhibaano kor u dhaafayo 94 xildhibaan mooshin ay ku soo eedeeyeen Madaxweynaha Qiyaano Qaran iyo Musuqmaasuq.

Odayaasha ayaa madaxweynaha kula taliyay kana codsaday in uusan waddanka gelin qal-qal siyaasadeed iyo colaad, isla markaana uu fiiriyo danta dalka iyo dadka.

Waxa ay oday dhaqameedyada kula taliyeen madaxweynaha inuu tanaasul sameeyo iskana casilo xilka madaxweynaha, iyagoo markaa u sheegay in ay adag tahay inuu iska difaaco mooshinka laga keenay.

Waxgaradka beesha Muddulood oo ay Caasimadda Online la hadashay ayaa noo sheegay in ay dhawaan qaban doonaan shir jaraa’id oo Soomaali weyn ugu sheegi doonaan mowqifkooda waxa uu yahay.

Muuse Ali oo ka mid ah oday dhaqameedka beesha Mudulood, ayaa yiri “Madaxweynaha Shalay annaga ma dooran oo waxaa doortay Soomaali oo dhan, masuulna waxaa uu ka yahay oo u dhaartay inuu sharciga ilaaliyo. Shalay Xasan Sheekh isagaa dadaal dheer u soo galay una ololeeyay in uu waddankaan madax ka noqdo, mana ahayn fekir annaga naga yimid ka masuul dhaqameed ahaan, waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in aan la qabno waxa ay qabaan, iyo in aan mar walbo ka beel ahaan aan ku talineyno in madaxda qaranka ay sharciga dhowraan”.

Hadalkan ayaa imaanayo xilli uu shalay Baarlamaanka u codeeyay in aanay gelin fasaxii xagaaga ee labada bilood ahaa. Waxaana la sugayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu u gudbiyo mooshinka Maxkamadda sare maalmaha soo socda.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com