XASAN SHEEKH walaalkiis oo ku geeriyooday…

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa ku geeriyooday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud walaalkiis Cusmaan Cilmi Cadaawe.

Cusmaan Cilmi oo ay isku hooyo yihiin madaxweynaha, ayaa waxa uu muddo ku xanuunsanaa magaalada Nairobi.

Waxaa la sheegay inuu ahaa nin da’ ah. Caasimada Online waxa ay tacsi u direysaa walaalaha Cusmaan Cilmi oo kala ah Nuur Cilmi, Xasan Sheekh Maxamuud, Cali Sheekh Maxamuud, Nuurto Sheekh Maxamuud iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Waxaan sidoo kale marxuumka alle uga baryeynaa inuu naxariis Janno ugu deeqo, ehelkii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com