Cabdi Kariim Guuleed oo ku fashilmay dhismaha maamulkii ugu horeeyay ee uu soo magacaabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Cadaado ayaa sheegaya in waxgaradka ku dhaqan deegaanka Gelinsoor ee gobalka Galgaduud ay qaadaceen Maamul uu Madaxweynaha Galmudug dhawaan u sameeyay.

Shir ay waxgaradka deegaanka Gelinsoor yeesheen ayay ku shaaciyeen inaysan la shaqeyn doonin Maamulka uu deegaankaasi u magacaabay C/kariin Xuseen Gulled.

Waxgaradka ayaa sabab uga dhigay diidmadooda in Maamulka uu magacaabay Madaxweyne Gulleed uu yahay mid u gaar ah hal beel oo deegaanka dega.

Sidoo kale, waxgaradka maanta oo axad ah deegaanka Gelinsoor kulanka ku yeeshay ayaa cadeeyay in deegaankaasi ay wada degan yihiin ilaa 11 beel, balse Maamulka lagu ekeeyay hal beel oo kaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in hadii la doonayo cadaalad in wax loo qeybsado dib loogu laabto dhismaha maamulkaan, hadii kalena ay u arki doonaan mid lagu degdegay.

Dhanka kale, go’aanka ay waxgaradka uga hor imaadeen Maamulka uu Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed magacaabay ayaa noqonaayo Maamulkii ugu horeeyay ee qaabdhismeedkiisa laga diido Gulleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com