Xasan oo CCC u adeegsanaya beeshaa caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Ra’isul wasaare Cumar u adeegsanaayo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Xassan uu Ra’isul wasaaraha usoo bandhigay inuu dhex dhexaad u noqdo isaga iyo Xubnaha Beesha Caalamka wakiilka uga ah Somalia oo iyagu si dadban u qalqal galinaaya Siyaasada Somalia.

Xassan waxa uu Ra’isul wasaaraha ku qanciyay inuu kulamo la qaato Xubnahaasi oo uu usoo bandhigi doono faragalinta Mooshinka sii daba dheeraanaya, si meesha looga saaro is fahan darida kala dhexeysa Mooshin wadayaasha.

Ujeedka uu Cumar C/rashiid ku qaabili doono Xubnahaasi ayaa ah inay qaboojiyaan Mooshinka oo ay adeegsadaan Siyaasado xeyladeysan, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha uu Cumar C/rashiid u faray inuu diyaar u yahay in uu dhamaan la fadhiisto Xildhibaanada Mooshinka wada.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa la filayaa in gudaha asbuucaani uu kulamo degdeg ah la qaato dhamaan Xubnaha Beesha Caalamka wakiilka uga ah Somalia, gaar ahaan kuwooda saameynta ku dhex leh Siyaasada dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa Xubnahaasi kala hadli doono 3 qodob oo ku saabsan Mooshinka waxaana kamid noqon doona in Beesha Caalamka ay ka shaqeyso sida dib looga laaban lahaa Mooshinka iyo inay goobjoog ka ahaadan kulan wadajir ah uu Xassan Sheekh Mooshin wadayaasha kaga dalbanaayo in la qaboojiyo kacdoonka ka dhanka ah.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulamadaasi uu Madaxweyne Xassan u adeegsanaayo Ra’isul wasaaraha dalka, inkastoo saadaalinta ugu badan ay noqon doonto mid uu Xassan Sheekh ku fashilmi doono arrintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com