Xog: Jawaari oo shaki adag galiyay Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo laga helaayo dhanka Xubno ka tirsan Mooshin wadayaasha BF Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ballanqaaday in Mooshinka uu sidiisa u fuli doono.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa xaqiijiyay in kulan gaar ah ay la qaaten Jawaari ayna kala hadleen shakiga ay ka qabaan inuu garab safto Madaxweyne Xassan islamarkaana uu ilaabo Mooshinka.

Waxa uu sheegay in Jawaari uu ballanqaaday in Mooshinka uu noqon doono mid biyo kama dhibcaan ah, waxa uuna Xildhibaanka cadeeyay in Jawaari uu dhexdhexaad ka ahaan doono Mooshinka isaga oona iska fogeeyay inuu garab boodaayo Madaxweyne Xassan.

Waxa uu tilmaamay in sharciga uu ka weyn yahay Madaxweyne Xassan, sidaa awgeedna Madaxweynuhu uu mari doono waxa uu sharciga ka qabo Mooshinka laga soo gudbiyay, waxa ayna taasi shaki galisay Xassan Sheekh oo gacan ku ganbat ah.

Mooshinka ayuu tilmaamay inuu yahay mid gaar ah oo ka madaxbanaan xiriirka kala dhexeeya Xassan Sheekh, waxa uuna meesha ka saaray in Xassan uu kala hadlay arrimo gaar ah oo la xiriira badbaadintiisa.

Go’aankaani u muuqaalka eg mid cadaalada lagu marinaayo Mooshinka ayaa waxa uu rajo fiican ku abuuray Mooshin wadayaasha oo sheegay in ilaa 4 jeer ay la kulmeen Jawaari si ay kor kala socdaan arrinta Mooshinka oo aan leys dabamarin.

Dhanka kale, Jawaari ayaa Xildhibaanadaasi u ballanqaaday in iclaaminta goorta Xassan Sheekh la horkeeni doono BF ka hor uu shir wada jir ah la qaadan doono Mooshin wadayaash.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com