Dowladda Xasan oo qaaday tallaabo ‘dhif iyo naadir ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya dilayaal badan ayaa weli ku laydhsanaya banaanka, sababta uu garsoorka fadhiidka u ahaa dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay daliil kala duwan ayaa laga bixiya, laakiin marwalba waxaa muhiim ah in cadaalad la helo.

Muqdisho oo ah meesha u badan ee dilalka ka dhacaan marka arrimaha Soomaaliya laga hadlayo sanado badan marxuumtii la dilay iyo qoysaskoodii cidna uma jawaabin.

Laakiin toddoba billood oo uu madaxweyne Xasan Sheekh joogay xafiiska isbedel weyn ayaa ka jira dhinaca garsoorka.

Sheekada maanta waxay la xiriirta marxuum Abuukar Sheekh Maxamed Nuuraani oo ay dadka badi u yaqaaneen ‘Aabirima’, kaasi oo ganacsi yar ku haystay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, dhawaana uu si gardaro ah u dilay Dable Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsan ciidanka dowladda hoose ee Muqdisho.

Shan kun oo Shillin Soomaali ah oo uu dilaaga isku dayay in uu canshuur ahaan u dhigo ayaa loo dilay marxuumkan, oo marka la eego waxa uu iibinayay aanay canshuur ku waajibin.

Dable Qaasim ayaa waxa uu qirtay in uu dilay Aabirima inkasta oo uu sheegay in gacan ka hadalka lagala horeeyay, waxaase maxkamadda la horkeenay markhaatiyaashii goobjooga u ahaa dhacdadan oo sheegay in askarigu si ku tala-gal u geystay dilka.

Maxkamadda ma daahin go’aanka kiiskan, dil ayaa lagu xukumay askariga Shanta kun u dilay marxuumkaas u halgamayay nolol-maalmeedkiisa.

Arrinta macnaha sameynaysa ee kiiskan waa go’aanka degdegta ee maxkamadda, maadama uusan madmadow badan ku jirin kiiskan.

Go’aankan ayaa waxa uu farriin u yahay askarta caadeysatay falalka noocan ah, internet-ka ayaa kaalin weyn ka qaatay kiiskan oo gaarsiiyay meel aanay maxkamadda iyo madaxdu midna ka dhuuman karin.

Shir sanadeedkii garsoorka ee dhawaan ku qabsoomay magaalada Muqdisho waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay in qofkii si gardaro ah qof u dila aan go’aankiisa maxkamadda iska haysan karin oo ay tahay in sharciga degdeg loo waafajiyo.

Toddobadii billood ee lasoo dhaafay dhowr dilaa ayaa dilal lagu fuliyay, dhowr kalana dilal ayaa lagu xukumay kuwaas oo sugaya fulin, taasi oo muujinaysa in nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu toos u abaaray daaweynta boogtii garsoorka oo aheyd in aan dilaayasha hubeysan cadaalada la waafajin.