Xog: Dowladda Xasan oo wajaheysa dhaqaale xumo baahsan iyo sababaha keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo warinaya inay ku jirto maalmo adag oo xaga dhaqaalaha ah. Si guud magaalada caasimadda ah ee ay dowladda fadhiso waxaa laga soo warinaya nooc dhaqaale xumo oo aan waayahan la arag shacab iyo siyaasiba.

Marwalba oo ay dowladda dhaqaale xumo cagaha la gasho waxaa xoogeysta dhibaatada askarta u geysaneyso shacabka. Toddobaadkii tegay laba dhacdo oo dowladda ku lug yeelatay, labadaba waxaa la isku deyay in jeebka shacabka gacanta lala galo.

Mid waa dhacdadii garoonka Aadan Cadde, halkaas oo la diiday inay shacabka dhoofaan illaa tigidhadooda la saaro min $9 dollar. Dhacdada labaadna waa askar lacag raadinaysa oo xoog ku galaaya gudaha Jaamacadaha waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Iyada oo weli dood laga qabo sida loo maareeyo lacagaha boqolaalka milyan ah ee sanad walba canshuurta looga qaado dadka magaalada Muqdisho degan, haddana dhaqaale xumada haysata dowladda federaalka ah ayay dadka ku sifeeyeen inay sabab u tahay dhowr arrimood.

1. Qandaraasyada la siiyay shaqsiyaadka ee aanay dowladda waxba ka faa’iidin

Lacagta waxay kusii aruuraysa gacmo kooban. Qandaraasyo dowladda lacago badan ka faa’iidi kartay ayaa lagu wareejiyay saaxiibo iyo ehel, taasina waxay keentay in halkaasi ay dowladda ku seegto lacag badan.

Taliska madaxweyne Xasan ee la ciir-ciiraya dhaqaale xumada waxaa loogu baaqay in lagu laabto dhamaan qandaraasyada shaqsiyaadka haystaan ee sida qaldan loo bixiyay, kadibna laga eego dan qaran oo si sax ah looga doodo waxay dowladda ka faa’iideyso iyo waxa lagu celin karo shacabka.

2. Hal abuur xumada xukuumadda

Mid kamid ah sababaha dhaqaale xumada ugu wacan nidaamka madaxweyne Xasan waxaa lagu sheegay hal abuur xumo ka imaaneysa tayada liidata ee xukuumadda.

Xubno kamid ah howl-wadeennada World Bank iyo UN oo diiday in magacooda la xigto ayaa waxay sheegeen in malaayiin dollar oo Soomaaliya loogu tala-galay inay qasnadaha UN-ka iyo kuwa Bankiga Adduunka ku jiraan, laakiin xukuumadda aanay laheyn tayo ay lacagtaasi kula baxdo oo dalka ku geliso, iyada oo loo marayo shaqooyin wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax u tari kara.

Taasi beddelkeeda dowladda waxay ku sumcad beelaysa iibinta dhul dowladeed oo 5 ama 10 Milyan oo dollar laga helayo. In iyada oo mid kamid ah wasaaradahaada ay u taallo 200 Milyan oo dollar oo kaaga baahan fikir iyo shaqo si loo soo dhiciyo in beddelkeeda aad waqti ku lumineysid iibinta dhul dowladeed oo dhowr milyan laga helayo waa hal abuur la’aan iyo tayo xumo kooxdaada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la gudboon inuu dib u qiimeeyo guud ahaan xukuumadda, gaar ahaan wasiiradda.

3. Maareynta dhaqaalaha

Dad xogoggaal ah oo dhinaca kalena ka walaacsan dhaqaale xumada haysata dowladda Soomaaliya waxay sheegeen in mid kamid ah dhibaatooyinka ay tahay in si qaldan loo maareeyo intii yareyd ee la haystay, taasi oo haddaan wax laga qaban uga sii dari karta dhibaatada dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa waxaa la gudboon in xukuumadda la tayeeyo, hal abuur dhaqaale la raadiyo, lacagaha mashaariicda ah ee dowladda ka xayiran xooga la saaro, maareynta dhaqaalaha la hagaajiyo, qandaraasyada lagu bixiyo hab dan qaran ah oo laga dhaafo danaha shaqsiga ah kuwii horena lagu laabto, si ay dowladda uga baaqsato habka sharci darrada ah ee ay u baaraneyso shacabka Soomaaliyeed sida dhacdadii garoonka Aadan Cadde.