Wiil Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu dilay dalka UK

Sheffield (Caasimada Online) – Booliska gobolka Yorkshire ee dalka UK ayaa xaqiijiyey dilka wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield ee gobolkaas.

Booliska ayaa magaca wiilka la dilay ku sheegay Sacad Cali, wuxuuna ahaa 24-sano jir sida qoyska wiilka laga soo xigtay.

Booliska ayaa sheegay in wiilka la dilay korkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo toorey ah oo aad loola dhacay.

Ilaa hadda lama ogaan cidda dishay wiilkaas Soomaaliga ahaa, waxaana socda baaritaan cusub oo boolisku ay wadaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Ingiriiska ayaa la wareegay feylka baaritaanka kiiska dilka ah ee wiilkaas loo geystay.

Sarkaalka oo faahfaahin ka bixiyey kiiskaan ayaa sheegay inay kaliya ogaadeen in Sacad lagu dilay Toorey, balse aan la ogaan cidda dishay, isla markaana ay socdaan baaritaano ay ku dabagelayaan dambiilayaasha.

Sidoo kale booliska ayaa dadka degan magaalada uu dilkaas ka dhacay waxay ka dalbadeen inay booliska la soo wadaagaan wixii macluumaad ah oo ay ka hayaan ama ka helaan dilka Sacad.

Qoyska uu ka dhashay wiilka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa booliska ku cadaadinaya in lasoo dembiilayaasha, waxaana bilowday iskaashi lagu baadi goobayo dadkii dilay Sacad Cali.