Dowladda Xasan oo qaaday wadaddii kooxda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday wadaddii kooxdii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu tirin jiray mid ku caan-baxday waxa loogu yeero “aargoosi siyaasadeed”.

Wasiir ka tirsan dowladda Xasan Sheekh ayaa shalay qaaday tallaabo u muuqatay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsaday la-taliye sare oo baraha bulshada ku baahiyay qoraallo ay jeclaysan dowladda.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha oo uu ku saxiixna Wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa lagu joojiyay heshiiska la-talinta Samira Gaid ee mashruuca SJGAB, kaasi oo ay maal-geliso Midowga Yurub, sababo la xiriira qoraaladeeda siyaasadeed ee Twitter-ka.

Qoraallada Samira ayaa loo arkay inay khilaafsan yihiin “madax-bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka la-talinta, sida lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga gudaha.

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keenayso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurta-galnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyada oo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay “mid siyaasadeed.”

Kooxdii Farmaajo ee NN ayaa kal xukunkoodii caan ku ahaa tallaabooyinka noocaan ah, iyada oo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hay’addo ay sidaan oo kale shaqada uga joojiyeen, kadib markii ay is-qaadan waayeen aragtidooda siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay sheegay in dowladdiisa aysan ku kici doonin “aargoosi siyaasadeed” lamana oga in tallaabadan ay qeyb ka tahay isbeddelka aragti ee waayadan dambe uu caashaqay madaxweynaha.