Isbeddelka rejada dagaalka kadib tallaabadda uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore saxiixay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka oo dhawaan ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu shalay tagay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo muddo sanad laga joogo laga xoreeyay argagixisada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa wasiirka gaashaandhiga oo eeddo badan ay hareynayaan, wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaamiyaha maamulka Galmudug.

Xarardheere maxaa ka taagan xilligaan?

Magaaladan waxay muujisay adkeysi tan iyo markii ay ka adkaatay argagixisada. Noloshadii bulshada ayaa dib usoo laabatay, si gaar ah ganacsigii iyo waxbarashadii, balse dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay argagixisada ayaa culeys badan soo saartay magaalada.

Waxay dhowr dagaal oo qaraar ka dhaceen deegaano ku teedsan magaalada oo ay argagixisada soo weerartay. Laakiin dadka deegaanka waxay muujiyeen adkeysi iyo isku filnaansho.

Inay argagixisada magaaladan culeys soo saarto waxaa ugu wacan dib u gurashada ka dhacday deegaanada kale qaar iyo argagixisada oo uusan dhinac kale dagaal uga socon.

Reer Xarardheere waxay muujiyeen inay weli tabar u hayaan inay deegaannadooda difaacdan.

Maxay dhali kartaa booqashada madaxweyne Xasan Sheekh?

Safarka shalay uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Xarardheere waxa uu muujinayaa ahmiyad iyo inay dowladda qaadatay baaqii ahaa in magaalada culeyska haysto loo gurmado weliba si ficil ah.

Qiimeynta maanta ee madaxweynaha waxay dhali doonta in ciidanka deegaanka iyo midka dowladdaba la xoojiyo.

Fursada ku noqoshada guud ahaan dagaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhawaan Villa Somalia kula shiray xubnaha xisbigiisa UPD. Wuxuu u sheegay in markii howsha dastuurka iska dhameeyo inuu dib ugu laaban doono furimaha dagaalka.

Wuxuu kale u sheegay in arrimaha siyaasadda iyo maamulkaba uga tegi doono ra’iisul wasaaraha. Habeen hore ayuu madaxweynaha iska soo xiray howshii dastuurka, inuu isla shalay furimaha dagaalka aadayna waxay muujineysa in hadalkii uu kooxdiisa u sheegay uu dhab ka yahay, waana fursad u wanaagsan dalka iyo dowladnimadaba in dib loogu laabto dagaalka.

Caqabadaha dagaalka curyaaminaya

Caqabado la xiriira dagaalka ayaa weli jira, waxaa kamid ah hoggaan xumo ay ka cabanayaan askarta, waxaana loo baahan doona xooga isbeddel ah si dhiig cusub loogu helo dagaalka.

In sidii hore oo ay ka muuqatay qorshe la’aan iyo hoggaan xumo lagu bilaabo dagaalka waxay hoos u dhigi kartaa rejada guusha weyn.

Madaxweyne Xasan waxaa hortaalla inuu isbeddel sameeyo, dhiig cusub ku biiriyo dagaalka, dibna u hagaajiyo qorshihiisa dagaalka oo ay Soomaalida iyo Ajnabiguba dhaliilo badan ka muujiyeen.