DP World oo wada qorshe ay ku cuna-qabateeneyso Jabuuti oo halis badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday inay sameyneyso sal balaarsi dhinaca alaabaha uga soo daga Africa.

Maamulka Shirkada DP World ayaa sheegay inay saldhig cusub ka sameysanayaan dalka Ethiopia si alaabaha kasoo dega Dekadda Berbera ee Somaliland looga sii qeybiyo Ethiopia iyadoo la gaarsiinaayo dalalka kale ee xadka kala dhexeeya Ethiopia.

Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, oo u waramaayay WAM ayaa sheegay in Ethiopia 95% ay alaabaha kala imaado dalka Djibouti, taasina looga maarmi doono dadaalka ay DP World ku dooneyso sal balaarsiga.

Sultan Ahmed bin Sulayem, waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in Saldhig lagu daabulo Kunteenarada laga hirgaliyo Ethiopia, waxa uuna tilmaamay inay sameynayaan waddooyin waaweyn oo la mariyo alaabaha uga soo daga Dekadda Berbera ee la gaarsiin doono Ethiopia.

Waddooyinka ayuu sheegay inay dhaqaale ku bixin doonto shirkada DP World si meesha looga saaro dadaalka ay Ethiopia alaabaha uga soo dagsaneyso Dekadaha Djibouti.

Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem oo ay isku dhacsan yihiin dowlada Djibouti ayaa doonaya inuu dhexda ka jaro xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Jabouti si hoos u dhac uu ugu imaado Ganacsiga kasoo daga Dekada Jabouti ee dhawaan laga eryay DP World.

Shirkada DP World, ayaa doneysa in go’doon ganacsi ay galiso Djibouti iyadoo la adeegsanaayo Dekadda Berbera, wallow ay Jabouti sheegtay inay ka gaashamaneyso shirkada DP World.

Dowlada Ethiopia oo dhawaan Imaaraadka ka gudoontay lacag dhan 3 bilyan ayaa u muuqaneysa mid ka weecan doonta ganacsiga kala dhexeeya Djibouti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com