Sii daynta Qalbi-Dhagax: 2 arrin mid oo DF ka suurto-gal ah (Midna ma fiicna)

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga kasii daysay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo bishii August ee sanadkii tagey ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay xukuumadda Addis-Ababa.

Cidda ka dambeysay sii daynta Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa weli ka taagan dood badan. Odayaasha beeshiisa waxay sheegeen in ayaga ay dadaal u galeen in lasii daayo, halka safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay inay kusii daayeen codsi ka yimid dowladd Soomaaliya. Qalbi-Dhagax oo hadlayna, hadalkiisa ma kala caddeyn.

Haddii aan tixraacno hadalka safiirka, side ayay isku qabaneysaa in dowladda ay markii hore gacan gelisay Qalbi-Dhagax, haddana ay soo deysay. Waxaan dhihi karaa laba arriin midkood ayaa suurto-gal ah:

1 – In Dowladda Soomaaliya ay garwaaqsatay inay gashay qalad weyn, oo ay taageero badan ku lumisay, sidaas darteedna ay u istaagtay inay saxdo qaladkaas, oo sidaas ay dadaal ugu gashay in lasoo daayo Qalbi-Dhagax.

2 – Inaysan dowladda wax gacan ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax, sida ay odayaasha beeshiisa sheegeen, balse ay aragtay fursad ay magac ku kasban karto, sidaas darteedna ay uga codsatay safiir Jamaaludiin inuu hadalkaas u sheego warbaahinta Soomaaliya.

Haddii ay midda koowaad tahay, dowladda waxaa la gudbooneyd in maadaama codsigeeda lagu sii daayey, in dowladda Ethiopia ay ka codsato in qoraal rasmi ah la raaciyo sii daynta Qalbi-Dhagax, oo la shaaciyo doorkii ay ku lahayd, taasi oo sida muuqata aan dhicin, haddii ay tahay arrin ay dowladda ahmiyadeeda garan weyday iyo haddii kaleba. Sidoo kale waxay ahayd inay qoraal soo saarto kuna sheegto in qalad uu ka dhacay, dibna ay u saxday oo ay cafis dalbato.

Haddii arrintu tahay midda labaad, waxaa muuqata in dowladda ay kasii dartay qaladkii horey u dhacay, waayo safiirka Ethiopia cid aamineysaa waa yar tahay, dowladda inta hadashay ma aysan ku taageerin qoraal. Midkii ay tahayba arrinta waxaa muuqata in sheekadu weli ay halkeeda joogto, dad badanna ay dowladda taageeradii ay ugala laabteen arrinta Qalbi-Dhagax aysan usoo celin.

W/Q: Saadaq Xuseen Ciise

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid