Muuse Biixi oo ku wajahan Takuraq iyo madaafiic culus oo ka socota magaalada

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa uu kusii jeedaa gobolada Barri ee maamulkaas kuwaasoo kala ah, Sool iyo Sanaag, sida ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online, illo xog ogaal ah.

Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu horeyn tegi doonaa deegaanka Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneed xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo katirsan kuwa degan deegaanka.

Safarka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tegayo halkaas wuxuu kusoo beegmayaa maalin uun kadib markii Askar ka tirsan Somaliland lagu dilay halkaas, islamarkaana lagu dhaawacay Shan kale iyo labo rayid yihiin.

Ujeedka sodcaalka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu usoo afjari lahaa colaadda muddo soo jirtay halkaas ka taagan, taasoo dad badan ku dhinteen, ayna ku barakaceen Kumanaan kale.

Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa la sheegay in sodcaalka Ceel Afwayn kadib uu usoo ruqaan-san doono dhanka Tuuladda Tukaraq, gaara ahaan Jiida hore ee dagaalka si uu niyada ugu soo dhiso ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa Puntland.

Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankas lag maqlay jugta dhawaqa Madaafiicda oo ay isku-ridayeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntlnad.

Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku-horfadhiya deegaanka Tukaraq,waxaana saacadihii la soo dhaafay deegaanka ay labada dhinac ay ku sii daabulayeen ciidamo ad u farabadan taas oo abuurtay xiisad Cusub.

Dadka tirada yar ee ku haray deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in Barqanimadii maanta mar qura ay maqleen dhawaqa Madaafiicda oo ay iksu-ridayeen Ciidamada labada Maamul,ils amarkaana ay cabsi dareemeen.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Tukaraq gaaray boqolaal ka mid ah Ciidamada Puntland iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo sheegay in uusan dagaalka kala dhaxeeya Soomaaliland joogsan doonin ilaa Ciidamada Soomaaliland ay ka baxaan Gobolka Sool.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tukaraq isku-weeydaarsadeen Maanta Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland wali lama cadeyn,balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

Qaramadda Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 100,000 ay saameysay colaadda Tukaraq, iyadoo ugu baaqay dhinacyadda isku haya inay ka baaqsadaan colaad kale oo dhiig ku daato.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Muuse Biixi uu sodcaal ku kala bixiyo deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Sanaag, oo Somaliland Berri uga yaala, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Hay’adda Xasaradaha Adduunnka [ICG] ayaa dhawaan warbixin ay soo saartey ku sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inuu dagaal aan dhamaad lahayn ku dhexmaro gobollada waqooyi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com