DR. Cabdi Shire Warsame oo faallo ka qoray qaladkii ay isku raaceen Faarax C/qaadir & madaxweyne Xasan Sheekh

Dastuurka Ha Loo Hoggaansamo

Dowladnimo waxaa saldhig u ah, in uu jiro dastuur qeexaya qaab-dhismeedka iyo habka ay u wada shaqaynayaan qaybaha ay dowladdu ka kooban tahay. Tanina waxay ina tusaysaa in aysan dastuur la’aan dowladi jiri karain.

Sida ku cad Dastuurka qabyada ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Dowladdu ka kooban tahay saddex qaybood oo kala madaxbannaan oo kala ah Sharcidejin, Fulin, iyo Garsoor; kuwaas oo mid waliba ay u xilsaaran tahay hawl gaar ah.

Qaybaha Dowladdu waxay ku mideysan yihiin hirgelinta istaraatiijiyadda lagu fulinayo barnaamijka Dowladda ee ku wajahan xaqiijinta himilada guud ee Qaranka.

Qaybaha dowladda waxaa tiir-dhexaad u ah oo xiriiriya hawlahooda Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha Dastuurka.

Hoggaamiyaha lagama rabo in uu wax walba yaqaan, balse waxaa laga rabaa in uu wax walba adeegsan karo. Tanina waxay inoo muujinaysaa in loo baahan yahay in agabka aadanaha uu sida ugu waxtar badan u isticmaalo. Waxaa loo baahan yahay in uu lahaado si aad ahna ugu tiirsanaado lataliyeyaal aqoon iyo takhasus kala duwan leh.

Waxaa dhawaan la baahiyey, in iyada oo la raacayo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Garsooka iyo Dastuurka, iyo go’aanka Golaha Wasiirada xilkii laga qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka; isla markaana la magacaabay Xeer Ilaaliye Guud ee cusub, iyada oo isla hab-raaca kor ku xusan la raacay. Waxaa ugu dambeyna Arrinta Dikereeto ku soo saaray Madaxweynaha.

Waxaa halkan ka muuqata in Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka, Golaha Wasiirada, iyo Madaxweynaha aan midkoodna adeegsan lataliye Sharci oo ay tahay inta aysan wax go’aan ah qaadan, in ay mar walba talo sharci oo ku aaddan waxa ay go’aanka ka gaarayaan ay warsadaan, kana qaataan.

Maadaama uu Dastuurku si cad madaxbannaani u siinayo Garsoorka; waxaa muuqata in qaabka loo beddelay xeer Ilaaliyaha Guud iyo midka lagu magacaabay kan cusub aan midkoodna Dastuurka waafaqsanayn; sidaas darteedna ay sharci darro tahay, lana oran karo wax kama jiraan. Maxaa yeelay, Wasiirka Garsoorka iyo Golaha Wasiirada midna xilka kama qaadi karo, mana magacaabi karo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sida Dastuurku qabo, magacaabista iyo xil ka qaadista Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa awood u leh oo go’aan ka gaara Golaha adeegga Garsoorka. Waxaa Madaxweynuhu ansaxiyaa oo uu Dikereeto ku soo saaraa Go’aanka Golaha.

Haddii aad habowdo oo aad garato in aad habowsan tahay, ceeb ma aha in aad raadkaagii dib u qaado oo aad dib u noqoto. Waxaa ceebta ugu weyn ah, in adiga oo og ama laguu sheegay in aad habowsan tahay aad ceeb u aragto ama iskala weynaato in aad raadkaagii dib u qaado oo aad dib u laabato.

Waxaa dhici karta, in la isku qanciyo Arrintani waa dhammaatay ee aan sideeda u dhaafno; wixii dambana ha laga fiirsado. Waxaa hubaal ah, in haddii khaladkan iyo xadgudubkan aan hadda la saxin aan kuwa ku xigana wax laga qaban doonin. Waxa ay tani shaki gelin kartaa aamminaadda dadweynaha ee ku aaddan Dowladda oo ugu muuqan karta mid aan u hoggaansamayn waxa ay haybedda iyo sharciyadda ka heshay oo ah Dastuurka.

Runtii, anigu ma aqaan, umana hadlayo shakhsiga xilka laga qaaday iyo kan loo dhiibay midna, laakiin waxaan aqaan oo aan u hadlayaa Dastuurka oo aan qabo in qof walba u hoggaansamo, sida uu qorayna loogu dhaqmo.

“Haddii aad xoolo rabto, Xamaro agjoog; Haddii aad xarago rabto, Xamaro ag- joog; Haddii aad xilo rabto Xamaro agjoog,” waa murti dhaxal gal ah oo aabbe wanaagsani uu kula dardaarmay wiilkiisa uu jeclaa. Haddaba, haddii aynu rabo in aan noqonno Dowlad magac iyo muuqaal qurxoon leh; Haddii aynu rabno in dadkeennu qabiilka ka xoroobaan oo Qaranimada aaminaan; Haddii aynu rabo in aannu taariikh wacan u dhaafno ilmaheena iyo ilmahooda; Waa in aan Dastuurka u hoggaansanaa, sida uu yahayna aan ugu dhaqanaa. Waa in aan aamminno in qof walba uu Sharcigu ka sarreeyo. Waa in aan qofna lagu maslaxin, lagana oggolaan wax aan qaanuunku u oggolayn. Waa in aan wada dhahno, ‘Dastuurka wixii waafaqsan Haa, wixii aan waafaqsanayn Maya.’

Ilaa iyo qalinkeyga dambe, Nabadgelyo.

Dr. Cabdi Shire Warsame

Cirfe_50@hotmail.com    

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid