DR. DUFLE oo caawa ka badbaaday isku day dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax noociisa lagu sheegay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa caawa lala beegsaday gaariga Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo marayey wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayey dhawacyo ka soo gaareen qaraxaas, waxuuna burbur xoog leh soo gaaray gaariga Digtoorka, illaa hadana ma cadda in goorta la qarxiyey gaariga uu la socday Prof. Dufle, balse waxaa la xaqiijiyey inuu bad-qabo.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn taallada Sayidka oo ay Bar Conrtol ku leeyihiin ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa haatan ah Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday Dr. Dufle, balse wax kuma noqon.

Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho ka fuliya qaraxyada noocaan oo kale ah, waxayna la beegsadaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay la socdaan, waxaase xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro shacabka.

Habeen ka hor ayaa isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho qarax noocaan oo kale ah lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax, waxaana looga dhaawacay laba askari.