Ducaale: “Ma aqaan sida loo qancin karo saddexdan koox”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya oo la filayo in baarlamanka uu maanta meel-mariyo, isaga oo baaq u diray xildhibaanada iyo kooxaha diidan. 

“Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxay haddii ALLE idmo gudan doonaan waajibaadkii ugu muhiimsanaa ee baarlamaan Soomaaliyeed taariikhda ku galo, iyagoo u codeyn doona 4 cutub oo ka mida dastuurka dalka,” ayuu yiri Ducaale, 

“Xildhibaannada waxay metelaan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan kula talinayaa inay xaqooda dastuuriga ah si mas’uuliyad ku jirto u gutaan.” 

Wasiirkii hore ee amniga ee xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, Ducaale ayaa ugu baaqay mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka inay ku kalsoonaadaan xildhibaannada baarlamaanka ku metela, kuwaas oo go’aanka dastuurka gaari doono.

Ducaale ayaa sheegay inuusan aqoon sida loo qancin karo saddex koox.

“Anigu xildhibaan ahaan ma aqaan si loo qancin karo saddexdan kooxood: 1- Maamul ama koox aan aqoonsaneyn baarlamanka Federaalka, 2- Siyaasiyiinta qaarkood oo Mas’uulka markaas xilka haya dartiis u diidan dhammeystirka dastuurka KMG. 3- Iyo ciddii doonaysa inay dalka dib ugu celiso xilligii hoggaamiye kooxeedyada, kuna baaqaysa ‘SHIR DIB U HESHIISIIN’,” ayuu yiri Ducaale. 

Ducaale ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu waqtiga dheeraa xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ee madaxweyne Farmaajo, isaga oo xilkaas hayey muddo ka badan saddex sano.

Waxay aad isugu dhowaayeen Kheyre, oo uu ka mid ah wasiiro yar oo la saftay markii ay is-qabteen Farmaajo, taasi oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayey markii la magacaabay Rooble. Kheyre ayaa hadda ka mid ah madaxdii hore ee diidan dhameystirka iyo wax ka beddelka dastuurka.