Dugsiyada Muqdisho oo laga waayay 10-ka ugu darajada sarreeya imtixaanada dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay natiijooyinka imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka oo ay ka maqan yahiin iskuulada maamulka Puntland.

Hadal heyn badan ayaa baraha bulshada qabsatay kadib markii ku dhawaad 8 Kun Arday ay ka dhaceen iskuulada Gobolka Banaadir halka Jubbaland iskuuladeeda ay ka dhaceen kaliya 4-qofood, waxaana kala duwanaa tirada gashay imtixaanaadka.

25 Kun Arday oo ku nool Muqdisho ayaa galay Imtixaanaadka, waxaana baasay 17 kun oo Arday, sidoo kale iskuulada Jubbaland in ka yar kun Arday ayaa imtixaanka u fariistay.

Si kastaba iskuuladaa Gobolka Banaadir waa laga waayay 10-ka darajo ee ugu sarreysa iskuulada Dalka, waxaana shanta ugu sarreysa ay ku yaallaan Gobolka GEDO, gobolka Baay ayaa saddex iskuuul ku yeeshay halka Jubbada Hoose iyo Galgaduud ay min hal ku yeesheen.

Dhinaca kale marka laga fiiriyo 10-ka Arday ee ugu darajada badan imtixaanaadka dowladda ee dugsiyada sare 6 ka mid ah waxey wax ka bartaan gobolka Banaadir.