Duqa Caasimadda Soomaaliya Shir Caalami uga qeyb galaya Magaalada Roma [Sawirro]

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isagoo ka qeyb galaya shir caalami ah.

Guddoomiye G/banaadir ayaa qeyb ka ah madaxda ka qeyb galeysa shirka Caalamiga ee horumarinta magaalooyinka Afrika. Guddoomiye Taabit waxaa Ggaroonka diyaaradaha Rome ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa looga hadlayaa magaaleynta iyo koritaanka magaalooyinka Afrika, iyadoo ay ka qeyb galayaan Maayorada magaalooyinka, asiiro ka socda Africa iyo Talyaaniga, Cilmi baarayaal, Hay’ado iyo ururo caalami ah.

Guddoomiyaha caasimadda Soomaaliya ayaa shirka uga qeyb galaya, iyadoo ay Mara-cas ugu xiran tahay Garabka, taasoo uu ku muujinayo xasuuqii magaaladiisa ka dhacay 14-kii Oktoobar 2017.