Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xerada tababarka ciidamada ee TurkSom, halkaas oo lagu carbiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Muungaab ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xerada, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, sare-u-qaadidda xasilloonida Caasimadda Muqdisho iyo doorka TurkSom ee dadaallada lagu sugayo nabadgalyada Magaalada.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa saraakiisha xerada TurkSom ka dhagaystay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan hawlaha tababarrada ciidamada, dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu taageerayo xasilloonida Caasimadda Muqdisho.
Saraakiisha ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta kala dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amni waara iyo adeegyo wax-ku-ool ah oo shacabka loo fidiyo.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta TurkSom ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaasha la xiriira taageerada iyo gargaarka shacabka danyarta ah inta lagu guda jiro munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa (Eid Al-Adha), ee nagu soo fool leh, iyada oo xoogga la saarayo garab istaagga bulshada nugul iyo xoojinta isku xirnaanta hay’adaha dowladda iyo dadweynaha.
Booqashada Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ee xerada TurkSom ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo laamaha amniga, si loo sii joogteeyo nabadda, horumarka iyo adeegyada bulshada ee Caasimadda Muqdisho.
TurkSom ayaa ah xero milatari oo uu gacanta ku haya Turkiga, waxaana inta badan lagu tababaraa ciidamada qalabka sida, iyada oo xeradaan ay soo saartay cutubyo badan oo hadda ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka.


