Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cosoble ayaa weerar ku qaaday Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo shalay hanjabaad u direy Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Qeybdiid oo ku jira safka mucaaradka dowladda ayaa madaxweynaha ugu hanjabay in uusan laheyn sharciyad, ayna ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo xagooda ay usoo qaado dowladda, xilli 4-ta June loo ballansan yahay dibadbax uu qabanayo mucaaradka.
“Madaxweynuhu mas’uul kama dalka marbuu ka ahaa maanta talo ayuu leeyahay muddo afar sano ah ayaa la siiyay waa dhamaatay inuu odey Soomaaliyed noqdo ayaa waajib ku ah,” ayuu yiri Senator Qeybdiid.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa weerar afka ah ku qaaday Senator Qeybdiid, isagoo si kulul uga hadlay doorka uu ku leeyahay colaadaha iyo dagaalladii Soomaaliya soo maray.
Cosoble ayaa sheegay in Qeybdiid uu inta badan ku lug lahaa dagaallo fashil ku soo dhammaaday, isaga oo su’aal geliyay waxa uu ka dhaxlay colaadaha muddada dheer soo socday.
“Jen. Cabdi Qeybdiid ma wuxuu cimrigiisa ku dhameysan doonaa dagaal sida raggii kheyrkii ahaa? Ma jiraa hal dagaal oo uu galay oo uu maanta ku faraxsan yahay?,” ayuu yiri Cosoble oo daba socda hanjabaada Senator-ka.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa intaas kusii daray “Kolley Jeneral iyo Senator dhaafi maayee maa masaajidka galo oo tusbax qaato oo Ilahey u towbad keeno? Sow talo walaal ma aanan siin.”
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo weli la isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, kaas oo dowladda sheegtay inuu dhaqangal yahay.
Si kastaba, mucaaradka ayaa maalmahan ku doodayay in Xasan Sheekh uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore oo lamid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.


