Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka ah ee madaxtooyadda Soomaaliya ayaa saakay waaberigii howlgal aan horay looga baran ka fuliyay xaafadaha xeyndaabka ee qasriga madaxtooyada.
Howlgalkaan oo bilowday saakay afartii subaxnimo, socdayna ilaa waaberigii saakay ayey ciidamadu guri guri ku galayeen iyadoo dadka laga soo saarayay guryaha, lana weydiinayay aqoonsiyadooda iyo tixraaca shaqsiyadeed.
Dhalinyaro isugu jirta da’walba ayaa howlgalkaasi lagu qabqabtay, iyadoo markii danbe lagu sii daayay dhalinyaradaasi markii baaris iyo hubin lagu sameeyay.
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmay xili isbadal lagu sameeyay habraacyada amaanka madaxtooyada, sidoo kale laga mamnuucay wadada hormarta in ay maraan ilaalada ku labisan dharka milateriga iyo gaadiidka dagaalka.
Sidoo kale, waxaa la kordhiyay baaritaannada iyo hubinta gaadiidka iyo dadka galaya ama maraya agagaarka madaxtooyada si looga hortago wax kasta oo keeni kara isku dhacyo amni.
Habraacyadaan cusub waxay inta badan qeexayaan in ciidamada gaarka ah ee koofiyad gaduudka ay qaataan mas’uuliyadda koowaad ee aaggaas, iyadoo la yareynayo isku dhex yaaca ciidamada kala duwan.
Ilaalada xiran dharka milateriga, qaasatan kuwa aan ka tirsanayn kuwa madaxtooyada iyo gaadiidka tiknikada ah ee laga mamnuuco wadada madaxtooyada waxay caawineysaa in la ogaado cida soo galaysa aaga madaxtooyada.
Isbedeladan ayaa kusoo beegmay xili xiisada siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ka taagan ee mucaaradka iyo dowladda ay korortay, iyadoo kooxaha mucaaradka ay ku baaqeen dibadbax weyn oo looga soo horjeedo siyaasadda dowladda ee madaxweyne Xasan Sheekh.

