Tel Aviv (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa 13-kii May soo saaray bayaan kooban balse culus, isagoo sheegay in intii uu socday dagaalkii Iran uu Netanyahu “si qarsoodi ah” u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasna kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Mohammed bin Zayed.
Bayaanka ayaa kulanka ku tilmaamay “horumar taariikhi ah”.
Saacado kadib, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa si aan caadi aheyn uga jawaabtay, iyadoo warbixintaas ku tilmaantay mid “gebi ahaanba aan sal lahayn”. Abu Dhabi waxay sidoo kale xasuusisay dunida in xiriirka Imaaraadka iyo Israel uu yahay mid furan oo ku dhisan heshiisyadii Abraham Accords ee la saxiixay 2020.
Warar soo baxay ayaa sheegay in Imaaraadka uu si weyn uga carooday shaacinta arrintaas.
Warbaahinta Israel ayaa markiiba buuxisay meelihii bannaanaa ee sheekada. Wargeyska The Times of Israel, oo aad ugu dhow Netanyahu, ayaa daabacay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan safarka qarsoodiga ah, taas oo sii ceebeysay Abu Dhabi, isla markaana wiiqday diidmadeeda.
Wargeysku wuxuu sheegay in kulanka uu dhacay 26-kii Maarso, magaalada Al-Ain ee ku dhow xadka Cumaan, uuna socday saacado badan. Wuxuu intaas ku daray in “MBZ uu Netanyahu ku kaxeeyey gaarigiisa gaarka ah, isagoo ka qaaday diyaaradda kuna geeyey qasriga”.
Warbaahino kale ayaa sheegay in xogta duulimaadyadu muujisay laba diyaaradood oo ganacsi oo Bombardier ah, kuwaas oo lala xiriiriyey Israel, kana duulay Tel Aviv kuna degay Al-Ain maalintaas.
Ziv Agmon, oo horey u ahaa madaxa shaqaalaha Netanyahu, ayaa Facebook ku qoray inuu safarka ku wehliyey Netanyahu. Wuxuu sheegay in booqashadu ahayd “mid qarsoodi sare ah ilaa maanta”, isla markaana Sheekh Mohammed bin Zayed uu Netanyahu si shaqsi ah uga qaaday garoonka, una kaxeeyey qasriga.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa isna qoray in madaxa Mossad David Barnea uu ugu yaraan laba jeer booqday Imaaraadka intii dagaalka socday.
Warar kale ayaa sheegay in agaasimaha Shin Bet David Zini uu sidoo kale tagay Imaaraadka, halka taliyaha ciidamada Israel Eyal Zamir isna si gaar ah loo sheegay inuu safar ku tegay dalkaas.
Saraakiil Mareykan ah, oo uu ku jiro Safiirka Mareykanka ee Israel Mike Huckabee, ayaa horey u xaqiijiyey in Israel ay askar u dirtay Imaaraadka si ay uga hawlgeliyaan nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome gudaha dhulka Imaaraadka.
Halkaas marka la joogo, labo arrimood ayaa muuqda: Netanyahu wuu tagay, Imaaraadkuna wuu beeniyey.
Su’aashu ma aha sababta uu Netanyahu u booqday Abu Dhabi. Su’aashu waxay tahay: maxaa xafiiskiisa ku qasbay inuu xogtaas bixiyo, maxaase keenay in Israel ay ku adkeysato in Imaaraadka loo muujiyo dal been sheegaya?
Sidoo kale, maxaa Abu Dhabi ku qasbay inay diiddo booqasho xiriirkeedu si rasmi ah ugu dhisan yahay heshiisyada Abraham Accords?
Iyo tan ugu muhiimsan: murankan fagaaraha ka dhacay muxuu uga dhigan yahay xiriirka labada dhinac?
Xisaabta Netanyahu
Benjamin Netanyahu waa ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa taariikhda Israel. Waa siyaasi lagu yaqaan dacwado musuq-maasuq, waaran ka soo baxay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, iyo sumcad la xiriirta hoggaan u janjeera awood urursi.
Wuxuu wajahayaa doorasho dabayaaqada sanadkan, dacwad musuq-maasuq oo weli socota, iyo cadaadis caalami ah oo ka dhashay dagaalka Gaza. Sidaas darteed wuxuu u baahan yahay guul kasta oo uu shacabka Israel ka iibin karo.
Inuu shaaciyo kulan fool-ka-fool ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka ayaa si buuxda ugu adeegaya ujeeddadaas. Waxay shacabka Israel u direysaa farriin ah in heshiisyadii Abraham Accords ay ka badbaadeen dagaalka Gaza.
Waxay sidoo kale farriin u tahay Iran, taas oo ah inaysan ku guuleysan inay Israel ka go’doomiso gobolka, xitaa intii uu socday dagaal culus.
Dhanka gudaha Israel, Netanyahu wuxuu isku sawirayaa hoggaamiye weli lagu soo dhoweynayo caasimad Carbeed, halkii uu noqon lahaa siyaasi sii noqonaya qof caalamku ka cararayo.
Si kale haddii loo dhigo, Netanyahu wuxuu dhacdo diblomaasiyadeed oo weyn u beddelay hanti siyaasadeed oo gudaha ah. Dhacdadaas waxay u muuqataa mid isaga uga qiimo badan sida ay Imaaraadka ugu qiimo leedahay.
Waxaa jira sabab kale oo ka dambeysa. Marka Netanyahu uu booqashada keenay fagaare, wuxuu Imaaraadka ku cadaadinayaa inuu qirasho weyn ka bixiyo wada shaqeynta labada dhinac, taas oo Abu Dhabi doorbideyso inay si hoose u maamusho.
Haddii Imaaraadka ugu dambeyn xaqiijiyo waxa uu maanta diidayo, qirashadaas waxay qeyb ka noqoneysaa dhaxalka siyaasadeed ee Netanyahu. Haddii uu sii diidana, Netanyahu wuxuu durba helay cinwaannadii uu rabay.
Xaalad kasta, Netanyahu wuu faa’iidayaa. Xaalad kasta, Imaaraadku wuu khasaarayaa.
Waxaa sidoo kale jira farriin ku socota Iran. Israel waxay muujineysaa inay awood u leedahay inay ra’iisul wasaareheeda, madaxdeeda sirdoonka iyo taliyaha ciidankeeda u gudbiso Khaliijka xilli dagaal kulul socdo. Taasi lafteeda waxay noqoneysaa farriin celin iyo cabsi gelin ah.
Laakiin sababta ugu weyn waxay la xiriirtaa istiraatiijiyadda Israel ee ah inay sii kala fogeyso Imaaraadka iyo dalalka gobolka ee ay is hayaan. Marka Abu Dhabi si fagaare ah loogu xiro qorshayaasha amni ee Israel, Netanyahu wuxuu xoojinayaa kala qeybsanaanta gobolka, isagoo isla waqtigaas Imaaraadka ku riixaya ku tiirsanaan amni oo dheeraad ah.
Tani ma aha wax Imaaraadku maanta u baahan yahay, mana aha wax uu si raalli ah u martiqaadi lahaa.
Dhibaatada Abu Dhabi
Diidmada Imaaraadka ma aha oo keliya in kulanku dhacay iyo in kale. Waxay ku saabsan tahay cawaaqibka ka dhalan kara haddii la qirto.
Afar cadaadis ayaa Abu Dhabi ku riixay inay si buuxda u beeniso warka.
Midka koowaad waa aragtida shacabka gobolka. Iyadoo weli indhaha dadka Carabta iyo Muslimiinta ay ku cusub yihiin sawirrada xasuuqa Gaza, in si fagaare ah loo qirto martigelinta Netanyahu waxay dhalin lahayd caro ballaaran, waxayna dhaawici lahayd sumcadda Imaaraadka ee dunida Carabta iyo Muslimka.
Gudaha Imaaraadka, dowladdu waxay muddo dheer maalgelisay sawir ku dhisan dulqaad, wada noolaansho iyo furfurnaan. Laakiin farqiga u dhexeeya hadalkaas iyo xiriir dagaal oo lala yeesho Netanyahu waa mid aad u weyn, wuxuuna abuuri karaa raaxo-darro gudaha ah, xitaa haddii aan si fagaare ah loo muujin.
Cadaadiska labaad wuxuu la xiriiraa isku dheelitirka ay Abu Dhabi isku dayeyso. Imaaraadku wuxuu doonayaa inuu ilaashado xiriirkiisa Israel, isla markaana uu wanaajiyo xiriirrada uu la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Turkey iyo Qatar, gaar ahaan wixii ka dambeeyey dhammaadkii khilaafkii Khaliijka ee 2021.
Ka hor inta uusan qarxin dagaalka Iran, Imaaraadka wuxuu durba ku jiray dadaal uu ku xakameynayo caro goboleed oo ka dhalatay doorkiisa lagu eedeeyo ee Yemen, Somalia, Sudan iyo Libya. Meelahaas, Abu Dhabi waxaa si weyn loogu arkaa dal fulinaya dano is dhaafsan oo qaarkood la jaanqaadaya danaha Israel.
Shaacinta Netanyahu waxay si toos ah u dhaawacday dadaalkaas, waxayna Imaaraadka ka dhigtay mid u muuqda dal sii go’doonsan oo nugul.
Cadaadiska saddexaad waa mid amni. Weerarkii Iran wuxuu Imaaraadka u saameeyey si ka xooggan dalal kale oo Khaliijka ah. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka, Iran waxay intii dagaalka socday dalkaas ku ridday in ka badan 550 gantaal iyo 2,200 drone.
Haddii Abu Dhabi si fagaare ah u qirato wada shaqeyn sirdoon iyo mid amni oo ay la lahayd Israel intii dagaalka socday, waxay taasi xoojin kartaa doodda Tehran ee ah in dalalka Khaliijku qeyb ka yihiin dagaalka. Taasina waxay garab siin kartaa garabka adag ee Iran oo doonaya weerarro cusub oo Imaaraadku si fudud u qaadi karin.
Cadaadiska afraad waa dhaqaalaha. Imaaraadku wuxuu isu suuq-geeyaa dal xasilloon oo xarun u ah maalgelinta, ganacsiga, dalxiiska iyo xirfadlayaasha caalamiga ah.
In la arko Abu Dhabi oo si muuqata ugu lug leh dagaal Israel la gashay Iran waxay dhaawac ku tahay astaantaas. Waxay walaac gelin kartaa maal-gashadayaasha u baahan inay rumeysnaadaan in Imaaraadku uusan ahayn dal si joogto ah ugu jira halis dagaal.
Waxaa intaas dheer arrin ku saabsan hab-maamuuska iyo kalsoonida. Nidaamka Imaaraadka ma jecla in lagu kadsoomo. Shaacinta keli-taliska ah ee Netanyahu waxay jebisay xeerarkii aasaasiga ahaa ee diblomaasiyadda qarsoon, waxaana Abu Dhabi u fasiratay xeelad siyaasadeed oo gudaha Israel loogu adeegayo, iyada oo kharashkeeda ay Imaaraadku bixinayaan.
Sidaas darteed, diidmada Imaaraadka waa farriin ah in Abu Dhabi aysan oggolaan doonin in loo adeegsado ololaha doorashada Israel.
Macnahaas, sir bixinta Netanyahu waxay Imaaraadka ku leedahay saameyn siyaasadeed, dhaqaale, maaliyadeed iyo amni oo dhab ah.
Laakiin ma aha markii ugu horreysay ee Netanyahu uu sidan sameeyo. Dabayaaqadii 2020, wuxuu bixiyey xog ku saabsan booqasho uu ku tagay magaalada Neom ee Sacuudiga. Tallaabadaas si xun ayey ugu soo noqotay.
Riyadh waxay si degdeg ah u fahamtay ujeeddada. Waxay dib uga joogsatay waddadii caadiyeynta xiriirka Israel, waxayna adkeysay mowqifkeeda, arrintaas oo weli saameynteedu muuqato.
Sir bixinta cusub ee Netanyahu waxay sii xoojin kartaa go’aanka Sacuudiga ee ah in caadiyeynta xiriirka Israel lagu hayo hakad.
Laakiin su’aasha weyn waxay tahay: Abu Dhabi ma gaari doontaa xisaab tan la mid ah?
Xiriirka Imaaraadka iyo Israel wuu ka qoto dheer yahay, wuuna ka hay’adeysan yahay midkii Riyadh weligeed la yeelatay Israel.
Si kastaba ha ahaatee, xitaa gudaha Abu Dhabi, waxaa soo baxaya su’aal adag: xiriirkan ma u qalmaa kharashka uu leeyahay?
Ma wuxuu wiiqayaa madax-bannaanida istiraatiijiga ah ee Imaaraadka? Mise wuxuu dalka ku sii jiidayaa dagaallo, go’doon iyo khataro amni oo uusan si buuxda u xakameyn karin?
W/Q: Ali Bakir

