Wararkii ugu dambeeyey duqeyn culus oo maanta ka dhacday LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in mar kale ay xalay duqeymo ka dhaceen duleedka magaalada Laascaanood ee gobolkaasi, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen gudaha magaaladaasi.

Madaafiicda ayaa xoogoodu waxa ay ka dhaceen dhanka bari ee magaaladaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

SSC-Khaatumo ayaa dhankkeeda ku jawaabtay madaafiic culus oo la sheegay inay ku hoobteen xerada Goojacadde oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicda ay geysteen khasaar isugu jiro dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

QM aya aku baaqday in Somaliland ay ciidamada ka qaado aagga Laascaanood, sidoo kale is xakameeyaan ciidanka SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo diray.