DUUB dhaqameed ma leeyahay door siyaasaded

Waxaa cad ineey soo xoogeysano ku milmidda siyaasadeed ee duub dhaqameedyada sidii dagaaladii sokeeye ay uga bilaabmeen Soomaaliya. Arinkaan waxeey soo fool saartay Soomaliweyn oo idil, hase ahaate beryahaan dabme waxeey si toos u saameysaa Beesha Mudulood oo aad dareemi karto jahowareerka ay keentay ka talinta arimaha siyaasadeed oo ay duub dhaqameedyada hogaamiyaan. Waxaa muuqda fikradaha siyaasadeed ee duub dhaqmeedyada Mudulood qaasatan Beesha Abgaal Cismaan in aysan ka turjimaynin danaha gaarka ah, taaso sababtay xaquuqdii dastuuriga ee beelahodii oo lunta, ha ugu horeysee mataladda siyaasadeed ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kaleba.

Dib u dhaca xaquuq helidda Gobalka Banaadir waxaa loo sababi karaa hormuudka duub dhaqameedyada iyo ka ariminta siyasadda oon aheyn doorkoodi beesha ay ku mateli lahaayeen. Waxaa daliil u ah horbood-koodii ee shiraarkii Garoowe I iyo Garoowe II ee lagu marin habaabiyey umadda Somaaliyeed sababtayna ansixinta dustuurka lidka ku ah danaha bulsho-weynta ay matalaan gaar ahaan qodob kusheega 9aad “Maqaamka magaala madaxda Federaalka Soomaalya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista dastuurka”. Ma la dhihi karaa duub dhaqameedyada saxiixay ogolaadeyna qodobka 9aad ay ka liitaan Af-Soomaliga fahankiisa iyo jawiga siyaasadeed!

Waxaa taas sii dheer in duub dhaqameedyada ay soo xulaan xildhibaanda metala belahooda ayagoon khibrad u laheyn maamul siyaasadeed.

Xildhibaanada metala Beesha Mudulood qaasatan Abgaal Cismaan, waxeey u badan yihin ganacsato ku ilaashada xilka danoohada gaarka ah oo marnaba u taagneyn danaha bulsho-weynta ay matelaan.

Markaad hesho fursad aad ugu tagto xildhibaanada ay duub dhaqmaeedyada soo xuleen ee metala beesha Mudulood oo aad u sheegto dhibka beesha si ay wax uga qabtaan una gutaan masuuliyadda saaran, jawaabtoda ugu horeyso waxay tahay “saaxiib aniga kursigaan lacagteyda ayaan ku gatay ee nac-nacda igala tag”. Lagama yaabo inaad xildhibaankii ku matali lahaay aad khadka telefoonka kula hadasho, xafiis aad uga tagtaana waa mid aan ku dhicin si fudud.

Waxaa is weydiin leh, maxaa gudboon oo ay Beesha Abgaal ku dhaqaaqi kartaa?

Berisimaadkii ayaa waxaa dhacday in Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamuud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) oo ahaa labo xildhibaan ee Dowladii Rayidka kana tirsanaa xisbiga leegada “SYL” ay isku qabsadeen kii noqon lahaa musharaxa koowaad ee doorashadii 1968 dalka ka dheceysay. Markii ay isku mari-waayeen ayaa waxa loo yeeray AUN Imaam Cumar Imaam Cali Cubeyd , si uu u kala saaro, waxaan la dhigay gogosha deegaanka Cadale . Hadaba markii la qadeeyey ayaa shirkii loo fariistay si Imaamka loogu sheego waxa loogu yeeray, waxaana lagu yiri Imaamka waxaan kuugu yeernay inaad kala saarto Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) qofkii laga dhigi lahaay musharaxa kowaad ee doorashade soo socota ee xisbiga “SYL”.

Allaha u naxariistee, Imaam Cumar waxa uu yiri marka hore Faataxada noo mara, kadib markii Faataxada la maray ayuu wuxuu dhahay “in aan leego aan kala saaro Abgaal iima duuban” waana uu ka kacay gogoshii. Imaam Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Leego maaha beelaha Soomaaliyeed ee wada hadalka naga dhexeeyo”.

Duub dhaqameed wuxuu ka taliyaa goob xoolo lagu dhaqo, beer lagu tacbo, ama xaajo beeleed lagu gorfeeyo shaqana kuma laha siyaasad iyo maamul dawladeed.

Oraah Soomaliyeed ayaa dhahaysa “Duub Tuf Maahinee Talo Siyaasadeed Ma Laha”.