Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Buuhoodle iyo magacyada siyaasiyiinta lagu dilay + Sawirro

Buuhoodle (Caasimada Online) – Sida aanu horay u baahinay waxaa Caawa Salaadii Makhrib kadib magaalada Buuhoodle  ka dhacay Qarax gaystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Waxaana kasoo baxaya Faah faahin dheeriya sida wax u dhaceen.

Naftii halige isasoo miidaamyey ayaa isku qarxiyey baabuur ay saaraayeen masuuliyiin isugu jira siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal deegaanka ah, waxaana  Waxaa loo badinayaa in bartilmaameedku ahaa masuuliyiinta baabuurka saaraa oo kala ah.

Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arimaha siyaasada uu kala talin jirey, Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee armaha gudaha Khaatumo iyo Col Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Gobolka Cayn.

Baabuurka ayuu is hortaagey naftii haligaha qaraxa fuliyey kadibna baabuurka ayaa istaagey sidaas ayuuna isku qarxiyey.

Khaasare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa waxaana la xaqiijiyey geerida AUN Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman) iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo soo noqday wasiirkii arimaha gudaha Khaatumo.

Waxaa la helay Maydka qofka loo malaynayo inuu is qarxiyey oo wajigiisu badqabo halka jidhkiisa kale googo’ay walina ma jirto cid aqoonsatay qofka uu yahay wajigan la helay ee qofka wax qarxiyey.

Waxaa dhaawac sahlan soo gaarey Yuusuf Cismaan Baxnaan (Dhagcas) oo kamid ah odayaasha deegaanka sida weyn looga yaqaano, iyo Col Cabdiraxmaan Afweyne oo isagu dhaawac sahlan qaba iyo darawalkii baabuurka masuuliyiinta waday.

Buuhoodle loogama baran falalka noocan ah bulshada ayay anfariir ku noqotay dhacdadan aadka looga naxay waxaana kumanaan qof ay buux dhaafiyeen meesha qaraxu ka dhacay iyadoo markii danbe ciidamada amaanku rasaas ku kala didiyeen dadka meesha isasoo dhoobay.

Warbixinta | Khadar Cawl Ismaaciil, Kalshaale.com