Siyaasiyiinta Puntland ugu caansan oo qoraal 6 qodob ah ku weeraray KHEYRE

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland.

Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland.

Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo.

War kasoo baxay Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in  uu diido horumarinta Puntland.

“Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer” ayaa lagu yiri Warka.

Waxa ay intaa kusii dareen”Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland”

Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran 

Arbaca, August 1, 2018.

1 – Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2 – Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3 – Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4 – Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5 – Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6 – Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi.

Xubnaha siyaasiyiinta waxay kala yihiin:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr. Maxamed Salaad Qoryooley