Aqri jawaabihii laga bixiyey hadalkii Juxa ku weeraray Kheyre ee qaado-quuriwaa

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn bulshadu u hadal haysaa hadalkii xalay uu bartiisa Facebook soo dhigay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa ee uu ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Juxa oo hadda ah murasharax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa ku dhalliilay Xassan Cali Kheyre ka baaqashadiisii degmada Garacad oo lagu dhagax dhigayey dekedda halkaas laga dhisayo.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kana tirsanaa xukumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ayaa ciwaan uga dhigay hadalkiisa weedhan: Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”. Waxaana uu ula jeeday in Kheyre diiday dhagax dhigga dekedda Garacad!

Hase ahaatee, shacabka baraha bulshada adeegsada ayaa si carro leh uga falceliyey qoraalkii Juxa iyaga oo ku tilmaamay hadal aan laga fileyn wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha.

Dadka sida weyn u cambaareeyey hadalka Juxa sida ka muuqata qoraalada waxa ay u badnaayeen reer Puntland oo su’aal ka keenay ahmiyadda ay leedahay in xilligan deked laga dhiso degmada Garacad!

FALCELINADDII QORAALKA JUXA!