Sawirro: Diyaarad Xamar ka qaaday golaha wasiirada oo ka degtay GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland gaaray Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia ee uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminaayay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Avv Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxa ayna magaalad Garoowe ku gaaren hal diyaarad oo ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirada ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay uga qeybgali doonaan shirka Golaha Wasiirada oo magaaladaasi lagu qabanayo maalinta berri ah.

Sidoo kale, shirkan ayaa waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmo kahor gaaray magaalada Garowe.

Waxaa lagu wadaa in Shirkan ay ka qeyb galayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka sida ammaanka iyo horumarada dalka.

Waxaa jiray khilaaf halis galiyay inuu dib u dhac ku imaado shirka Golaha ee kadhacaaya magaalada Garoowe, hase yeeshee ugu danbeyntii waxaa xal laga gaaray Khilaafka oo u dhexeeyay Ra’isul wasaare Kheyre iyo C/weli Gaas.