Duufaanno hor leh oo ku soo socda xeebaha Somalia oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya digniinada laga soo saarayo duufaanno hor leh oo ku soo fool leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland.

Duufaanada kusoo fool leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland, ayaa la xaqiijiyay inay ka soo kacayaan gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

War saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa waxaa Puntland looga digay Duufaanada kusoo fool leh xeebaheeda.

IGAD, waxa ay digniinteeda ku aadan Dufaanta ku sheegtay xaalado isa sii taraysa oo loo baahan yahay in mar waliba ay ka feejignaato Puntland.

Qubarada ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26-ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30-MM.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee, Roobab watay Duufaano oo bilowga asbuucaan ku dhuftay  deegaanada Puntland ayaa waxaa ku dhintay dad u badnaa xoolaaleey, halka duunyo badan ay ku burbureen dabeylaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com