Duulimaadyada GEDO oo weli xayiran iyo xiisadda oo kasii dareysa

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ku dhowaad toddobaad waxaa xayiran duulimaadyadii tegi jiray gobolka Gedo, gaar ahaan garoonka Doolow ee gobolkaasi.

Xayiraadda duulimaadyada ayaa markale xaalad go’doon ah gelisay gobolka Gedo, oo markii horeba ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay maamulka gobolka iyo kan Jubbaland.

Arintaan ayaa saameysay guud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Waxaa lasoo warinayaa in dad xanuunsan oo isugu jira waayeel iyo caruur ay ka maqan yihiin balamaha isbitaalada, maadaama aysan tagi karin Muqdisho iyo meelo kale.

Xayiraadda duulimaadyada ee Gedo ayaa waxa uu maamulka gobolka ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa waxa uu si gaar ah arrintaan ugu weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee ah inaysan tagi karin gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xayiraada dulimaadyada ee Gedo ay daba socoto kadib markii ay diideen in xubno ka socda maamulka Jubbaland ee is-hayaan ay tagaan gobolkaasi.

“Diyaaradii waa la joojiyay waxaa la yidhi nimankaan waa in aad qaadan, waa la baajiyay diyaaradii. Markaa waxaa noogu xigtay in diyaaradihii la yidhaahdo duulimaad ma sameyn kartaan, arrintaas masuuliyadeeda waxaa leh ninkan ra’iisul wasaaraha ah xamza oo waxaa la ii sheegay inuu ku dhex jiro diyaaradaha oo aad u dhex boodayo,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Anaga dadka aan celino waa dad la yaqaano oo cid kasta Muqdisho iyo maamullada waa laga celiya cidii dhib ku haysa waa wax caam ah oo dalka ka jira waana maamulkaas Kismaayo jooga.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in iyaga iyo maamulka Kismaayo ee uu hoggaamiya Axmed Madoobe ay kala yihiin laba garab oo shaqo isku laheyn, islamarkaana uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, oo aan lagu qasbi karin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, xayiraada duulimaadyada ee Gedo ayaa uga sii dareysa xiisadda, ayada oo saameyn xooggan ku yeelatay dad ku dhow 300 qof oo si maalinle ah iskaga kala gooshi jiray Gedo iyo Muqdisho, sida ay sheegeen maamulka gobolka iyo shirkadaha diyaaradaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulankaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubbaland ku matala gobolka Gedo ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadihii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in dowlad-goboleedka Jubbaland ay soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib marka ay soo dhammaadan la-tashiyada bulshada gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u cadeeyey inay ka go’an tahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.