Axmed Madoobe oo shaaciyey musiibo heysata shacabka oo madaxdu ogtahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaas ayaa musiibo ku tilmaamay deeqa iyo raashinka la siiyo dadka reer miyiga ah xilliyada uu roobku da’ayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaas looga danleeyahay in dadka beeraleyda ah aysan abuuran beerahooda oo lagu mashquulinayo macaawino markii ay ku dhaqaaqi lahaayeen inay dalag soo saartaan.

“Qofkii beertiisa fasha markii ay u soo go’do hadii la keeno oo dadkii loo qeybiyo Ganley macaawino ah, soo musiibo maaha?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in deeq bixiyaasha aysan ku eedeyneyn arrintaas oo madaxda Soomaalida ay leedahay qaladkaas, sababtoo ah wax qorshe ah kama lihin abaaraha, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee dhici kara.

“Hadii aan weydiiyo wasiirka wax un ku saabsan arrimaha bini’aadanimada ‘wuxuu war iiga bilaabayaa deeq bixiyaashu waxay balan qaadeen inay noogu deeqi doonaan intaas’ sidoo kale hey’adda maareynta masiibooyinka hadaan weydiiyo qorshahooda wuxuu ku egyahay balan-qaadka deeq bixiyaasha” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in muhiim ay tahay in la bedelo siyaasadda noocaas ah “Kama faa’iideyno deeq nala siiyo, laakiin waayihii abaaruhu dhaceen dadkii laga soo daad-gureeyey waqooyi iyo gobollada dhexe inta wax la baray maanta waxay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha dalka, sidaas oo kale ayaan u baahanahay hadda,” ayuu yiri.

Shirkaan uu Axmed Madoobe ka furay Kismaayo waxaa isugu yimid wasiirrada gargaarka ee dowlad goboleedyada iyo hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka, waxaana looga arrinsanayaa xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo