Daawo: Wiilkii lagu jir-dilay xarunta ciidanka Taraafikada oo bixiyey faahfaahin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Ismaaciil Cabdi Cadaawe oo maalmo ka hor baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalkiisa, iyadoo ay jir dilayaan ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey.

Ismaaciil oo ka tirsan ciidamada NISA ayaa horay lugtiisa ugu waayey weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa ciidamadii la tacaalayey soo afjaridda weerarkaas.

Maalmo ka hor waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyey oo caro badan abuuray muuqaal muujinaya iyadoo Ismaaciil lagu jirdilayo xarunta ciidanka Taraafikada ee Muqdisho, waxaana isugu tegay ciidamo badan iyo sarkaalkii hoggaaminayey.

Ninkaan ayaa sheegay in xaruntaas uu u tegay si uu ciidanka uga soo furdaamiyo mooto Bajaaj uga shaqeyneysay magaalada oo laga xareeyey, iyada iyo wiilkii u wadaba, kadib markii ay wadooyinka Muqdisho ka qabteen ciidamada Taraafikada.

Dhibane Ismaaciil, wareysi uu siiyey Weriye Xuseen Cabdulle ayuu ku faahfaahiyey sababtii keentay inay jirdilaan oo isugu tagaan ciidamadii joogay xarunta Taraafikada iyo sarkaalkii ugu sareeyey.

Mar la weydiiyey inuu helay wax jawaab ah ama ay la soo xiriirtay madaxda dalka, markii muuqaalkaas la baahiyey kadib, wuxuu sheegay in aysan jirin cid ka soo jawaabtay muuqaalkii argagaxa lahaa lee lagu baahiyey baraha bulshada.

“Wixii igu dhacay cid ka soo jawaabtay ma jirto, waxaan cadaalad ka rabaa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaa na deeqda cadaalad, anigu waxaan u naafoobay qarankeyga,” ayuu yiri Ismaaciil Cadaawe.

Wuxuu sheegay in ragga jirdilka u geystay aysan horay isku garaneyn, balse uu ugu tegay dacwo, kadibna ay garaaceen oo isugu tageen.

“Waxay igu dhaheen waxaa tahay xarig, waa I handadeen, markii aan isku sheegana sarkaalkii wuxuu igu dalbaday ciidankiisa, xitaa jirdilka ugu daran wuxuu iigu geystay gacantiisa,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdi Cadaawe.

Hoos ka daawo wareysiga