Duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya oo dib u billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Axad ah 13-bisha June ee sanadka 2021- waxaa si rasmi ah u billowday duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo hakad ku jiray muddo bil ah, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dowladood.

Dib u furista duulimaadyada ayaa yimid, kadib markii ay Kenya 10-kii bishan ku dhowaaqday inay dib u fasaxday diyaaradaha ka tega Soomaaliya iyo kuwa ka yimaada dalkeeda.

Sidoo kale arrintan ayaa ku timid, kadib isku dhowaasho ay labada dhinac ay muujiyeen si loo hagaajiyo xiriirka xumaada labada dal ee dariska ah.

Intii ay xirnaayeen duulimaadyada waxa ay sameeyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa dadka ee labada wadan, waxaana ka dhashay sameeyn  kale oo dhaqaale, sida uu sheegay  Abuukar Xasan Dhaqane dadka khasaaraha kala kulmay duulmiyaadyada horey oo joojiyey.

Dhaqane ayaa sheegay in go’aanka Kenya uu markii hore ahaa mid deg deg ah oo lagu soo aaday, xilli uu jiray cudurka saf-marka ee Covid-19.

“Saameyn dhaqaale ayaa naga soo gaartay joojinta Duullimaadyada Soomaaliya iyo kenya, muddada xayiraadda ma aanay shaqeysan, waxaa nagu dul xayirmay alaab aan u wadnay macaamiisheena, waan soo dhaweynayaa dib u fasaxidda Diyaaradaha” ayuu yiri Abuukar.

Si kastaba labada dowladood ayaa haatan wada dadaallo ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda, maadaama uu go’ay, isla-markaana la kala rartay safaaradaha.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda waxauu xumaaday, tan iyo markii soo shaac baxay kiiska badda ee hor yaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.